Publicerad: 5 November 2018

Jidka loo qaadi lahaa shaqooyinka

Marka ugu horeysa goobtaan weebka ah waxaa lagu talagalay qof waxbarashadiisa ku soo qaatay wadan ka baxsan EU/EES Qaramaha midoobaty ee yurub ee rabo in degmad ama gobol ka mid ah degmootinka iyo gobolada iswiidhan ka shaqeysto. Waxaa dhici karto in aad tahay qof dhakhtar ah ama qof soo bartay dhakhtarka ilkaha, ama qof Umuliso ah, Maclin iskool iyo wixii la halmaana. Waxaa aad loogu baahan yahay hadaad tahay qof waxbarasho soo maray in wixii aad xambaarsan tahay laga faaido.

Webkaan ama boggaan wuxuu kaa wargelinayaa kuna siinayaa talooyin ku wajahan waxyaabaha lagaa rabo sida aad ku shaqaysan lahayd cilmiga aad soo baratay. Waxyaabaha ka mid ah arintaasi waa sida aad u heli lahayd aqoonsi shakhsiyeed ee waddanka iswiidhan waana arin loo baahan yahay hadaad wadankaan ka shaqaysanayso ama hadaad wax baranayso. Boggaan waxa sida oo kale lagu talagalay qofka shaqobixinta u xil saaran iyo qofka arimahaada si khaas ah masuul ka ah ama ula socda in maclumaadkaada si fudud ku heli lahaa.

Boggan ama webkaan shaqo lagama raadsado. Hadaad shaqo raadsanaysid waxaa lagaa rabaa in aad ka raadsatid xafiiska shaqada oo loo yaqaan (Arbetsförmedlingen).

Webku wuxuu ku qoran yahay af iswiidhish, laakin qaar badan oo ka mid ah filimada waxay leeyihiin qoraal lagu tarjumi karo luqootyin fara badan, taasina waxaad samayn kartaa hadaad ku dhufatid meesha ay ku qoran tahay (undertexter)/ qoraalka filinka ka hooseeya kadibna waxaad riixaysaa meesha kuu soo baxday ee (översätt automatiskt)/ Tarjumid toos ah oo otomaatik ku socda kadibna waxaad dooranaysa luqada aad rabtid. Waxaad ku tijaabin kartaa inaad fiirsato filinka.

Hadii ay ku dhibayso inaad fahantid waxyaabaha qaarkood ee boggaan ku qoran waxaad caawinaad ka dalban kartaa

  • Qof kharaabo aad tihiin, Saaxiib ama qof aad is garanaysaan
  • Masuulka arimaha shaqadoonta ee xafiiska shaqada (Arbetsförmedlingen)

Weebka waxaa ugu horeyn lagu talagalay qofka haaysta degnaashaha waddanka, laakiin qofkii dalbaaya degnaashaha waddanka oo wali aan helin arintaani waa ay anfacaysaa. Waana arin fiican in qofku la socdo waxaabaha laga rabo sida uu shaqo u raadan lahaa. Hadeertaan waxaa bilaabi kartaa in aad luqada iswiidhishka is bartid kaligaa. Riiix halkaan

Waxaa ka dambeeya Boggaan shaqo-bixiyaanshaha iswiidhan ee degmooyinka iyo gobolada(SKL), waana sideeda ururyada shaqaalaha. Ururka tacliinta SSR, fisiyoterapistiga, ururka Maclimiinta, ururka shaqaalaha dowlada hoose, ururka caafimaadka ee iswiidhan, vision iyo xirfadaha shaqaalaha iyo hay`adda AcademyAlliansen.

Hjälpte informationen på sidan dig?



Tack för att du hjälper oss!